www.bacaadweyn.com

bacaadweyn.com


BANNAANBAX LAGU TAAGEERAYO NABADDA OO KA DHACAY ISTAADIYO KOONIS
Bannaanbax kii ugu ballaarnaa oo mudooyinkan danbe ka dhaca Muqdisho oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta dadweynaha ku dhaqan 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ay ka soo qeybgaleen kuwaasoo buux dhaafiyay garoonka Banaadir.


Bannaanbaxaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Saraakiisha sare ee ciidamada Nabadgelyada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, Safiirada Itoobiya iyo Yeman, maamulka Gobolka Banaadir iyo ciidamada Baambeyda muusikada iyo qeybaha hidaha iyo dhaqanka.

Dibadbaxan oo lagu taageerayey isbadalka nabadeed ee maalmahan ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha Hodan iyo Howl-Wadaag, Suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha Galbeed ka xiga wadada Warshadaha ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Gen. Yuusuf Dhuumaal kaasoo sheegay in maanta astaanta nabadgelyo ee ka muuqata Muqdisho ay markaati u tahay inta ka soo qeybgashay bannaanbaxa isagoo kooxaha ka horjeeda dowladda ugu baaqay in ay wada hadal wax ku raadiyaan ayna ogaadaan in aaney xabad wax ku noqon karin amaba Sheekh, Fannaan, Sarkaal, Arday, Haween, Oday Dhaqameed iyo maati la dilo aan wax lagu noqon karin.

Taliyaha ciidanka Nabadsugida Soomaaliyeed ahna Taliyaha Guddiga amniga Qaranka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Warsame Faarax "Darwiish" ayaa sheegay in howlgalada lagu sugayo amaanka ay yihiin kuwo sii socon doona oo ku ekaan doonin meelaha hadeer nabada ah oo uu sheegay in 90% ay maanta Muqdisho tahay nabad.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Xabeeb "M.Dheere" oo bannaanbaxaasi ka hadlayey ayaa sheegay in uu u mahad noqoyo dhamaaba inta ka qeyb qaadatay nabadda ka jirta Muqdisho gaar ahaan ciidamada aan saaxiibada nahay ee Itoobiya ayna mudan yihiin tixgelin gaar ah.

"Tixgelin kaliya maahinee waxaan dhigi doonaa koob lagu sharfayo dowladda Itoobiya oo ay ku tartamayaan 16-ka degmo kaasaana guddoonsiin doonaa, maxaa yeelay waa dad naf iyo maal moo huray oo gacan naga siiyay nabadeynta dalkeena" ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Dheere oo shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gobolka Banaadir ugu baaqay iney taageeraan ciidamada nabadgelyada ka shaqeynaya inta meesha laga saarayo kooxaha nabad diidka ah.

Gabagabadii dibad baxaasi maanta ka dhacay garoonka K/Cagta Banaadir ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso, gabayo, shiribyo iyo suugaan ay soo gudbinayeen qeybaha fanka Soomaaliyeed iyadoo inta khudbooyinka ay socdeena ay dad weynaha muusik qiiro leh oo soo jiitay u garaacayeen ciidamada Baambeyda muusikada Boolika.





XIGASHO BOBOLKA BANAADIR

BACAADWEYN.COM



MUQDISHO: Ciidammada AMISOM oo soo bandhigay qaabka ay u sugeen Ammaanka Dekedda (Daawo Sawirrada)

 

Muqdisho  - Ciidammada Nabad ilaalinta ee Uganda oo ka mid ah kuwa AMISOM ayaa waxay maanta saxaafadda u soo bandhigeen qaabka ay ku sugeen ammaanka Dekedda weyn ee Muqdisho iyagoo sheegay inay dhibaato badan kala kulmeen sugidda Ammaanka Muqdisho.

Soo bandhigiddaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay saxafiyiin isugu jira Shisheeye iyo Soomaali, waxaana dhammaantood ay socod ku soo mareen gudaha Dekedda iyagoo halkaasna lagu tusay qalabka milateri ee ay isticmaalayeen ciidammada Uganda markii ay sugayeen ammaanka Muqdisho.

 
 
 
 
 
 
 
 

BACAADWEYN NEWS


JENERAAL CADDE OO LAGU WARGALIYAY IN DIB LOOLA SOO WAREEGO LAASCAANOOD AMA AY DOWLADIISU DHACEYSO.

Baarlamaanka Puntland oo mudo uqabtey Xukuumada Cadde Muuse ay ku soo celineyso Laascaanood.

Baarlamaanka dowlad gobaleedka Puntland oo maalmahaan ku jiray kalfadhigii 19-aad ee baarlamaanka Puntland ayaa looga doodey maanta qodob Sharci ah oo ku aadan difaaca dowlad gobaleedka Puntland.

Difaaca Puntland oo baarlamaanku ka doodeen ayaa inta badan baarlamaanku soo hadal qaadayeen howlaha Xukuumada ugu talagashey Soo celinta Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan sugida amaanka dowlad gobaleedka Puntland ,in ay wax ka ogaadaan.

Fadhigii maanta oo doodiisu soo bilaabatey labo maalin ka hore ,ayaa Madaxweyne Gen.Cadde Muuse loogu baaqey in ay horyimaado golaha Shacabka si su'aalo looga weydiiyo qorshaha Xukuumadiisa ee Laascaanood.

Qaarka mid ah Golaha ayaa ku dhaliilay Xukuumadu in ay ka gaabisey wax ka qabashada difaaca Puntland ,ayna xooga saartey arimaha dhaqaalaha ayagoo tilmaamay in looga baahan yahay fulinta dastuurka ,hadii Talaabo ay ka qaadaan baarlamaanka oo mideysan.

Mudanayaal badan ayaa maanta ku doodey in Xukuumada loo qabto ,waqti cayiman oo ay dib ugu laabaneyso Magaalada Laascaanood.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf oo ka mid ah baarlamanka ayaa sheegay in Xukuumada loo qabtey in 30 Cisho gudahood in ay ku soo celiso Laascaanood kuna sugto amaanka dowlad gobaleedka Puntland.

Wuxuu tibaaxay Xildhibaanku in inta badan Mudanaayasha baarlamaanku isku raaceen ,waqtigaasi Xukuumada loo qabto hadii uu waqtigaasi dhamadaana oo aysana fulin amarka baarlamaanka in dib loo eegayo sii jiritaankeeda.

Fadhigan oo ahaa xasaasi ayaa baarlamaanku ugu danbeyntii ay iskugu soo laabanayaan Beri oo ah Isniin ,waxa ayna go'aankooda ugu danbeeya ugudbinayaan xaafiiska Baahinta dowlada oo ah xaafiiska Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi.

Kalfadhiga 19aad ee baarlamaanka Puntland ayaa sii socon doona Bishan oo dhan ,waxaana looga doodayaa Nidaamka asxaabta badan iyo wax ka badalka dastuurka Puntland oo gudigii loo saarey uu haatan gabagabo marayo.

bacaadeyn.com



MUQDISHO: Weerar Madaafiic ah oo xalay lagu qaaday Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho  – Saqdii dhexe oo xalay ayaa kooxo aan la garanayn waxay weerar madaafiic ah ku qaadeen Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, xilli uu ku xirnaa dekedda Makab shidaal wada.

Kooxaha ayaa waxay la beegsadeen 5-madfac Markabka shidaalka waday ee ku xirnaa Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, waxaana goobjoogayaa ku sagan dekedda ay xaqiijiyeen in markabkaas uu ka furtay dakadda uuna haatan ku sugan yahay badweynta.

 

Madaafiicda ayaa la sheegay inay ka soo dhacday goobo si weyn uga fog-fog dekedda, iyadoo madaafiicdaas aysan ku dhicin Markabkii lala beegsaday balse ay ku dhaceen dekedda dhexdeeda.

 

Ciidammada Dowladda ee dekedda ku sugan ayaa saakay waxay billaabeen inay ka fujiyaan dekedda agteeda sandaqadaha lagu ganacsado ee ku yaalla, oo ay sheegeen ciidammadu inay saldhig u yihiin weerarrada lagu soo qaado dakadda weyn ee Muqdisho.

 

Ma jiraan xubno ka tirsan Dowladda oo ka hadlay weerarkii xalay saqdii dhexe lagu qaaday dakadda weyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo afhayeenka dowladda uu dhaawac yahay dalkana dibadda uga maaqan yahay, waxaase lagu wadaa inay xubnaha kale ee dowladda ka hadlaan manta weerarkaas loo geystay xalay Dekedda weyn.

 

Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa horay loo weeraray, iyadoo lagu weeraray hoobiyeyaal, balse waxay ku dhaceen intooda badana banaanka iyo bartamaha Dekedda weyn ee Muqdisho, iyagoo aan gaarin marsada ay Maraakiibtu ku xirtaan.
 
 Sikastaba , waxaa soo badanaya hubabka kala duwan ee lala beegsanayo dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho , taas oo ay ugu wacan tahay sida la sheegay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Muqdisho oo 3 asbuuc ka hor lagu amray inay ku e kaadaan Xerooyinkooda , goo'aankaas oo ay ka danbeeyeen kaddib markii Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Raiisalwasaare Geedi ay Oday dhaqameedka muqdisho ay ka dalbadeen in ciidamada laga Saaro gudaha Muqdisho,halka ay Oday dhaqameedku ay dhinacooda  ay ka balan qaadeen inay awooda Saarayaan nabadeynta magaalada Muqdisho. Taas oo waqtigan u e kaatay mid ay ku fashilmeen oo aysan wax ka qaban amaanka magaalada Muqdisho.
BACAADWEYN NEWS
 



Waan Ka Hortageynaa Qaska Ay Soo Wadaan Xasan Daahir, Ceyrow & Turki .

Dowladaha Somaliya iyo Mareykanka ayaa heshiis ku gaaray maanta magaalada Baydhabo heshiiskaas oo qodob ka mid ah uu ahaa in ey si wada jir ah uga hortagaan waxa loogu yeero argagixisada caalamiga.

Mar ey maanta shir jaraa`id ku qabatay magaalada Baydhabo Jendayi Frazer, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka kadib booqasho ey ku tagtay halkaa ayaa waxa ey soo hadal qaaday masuuliyiin ka tirsanaa Maxkamadihii Islaamka oo ey ka mid yihiin Sheekh Xasan Daahir Aweys, Macalim Aadan Xaashi Ceyrow iyo Sheekh Xasan Turki oo ey ku sheegtay in ey yihiin rag qalalaase soo wada eyna si wada jir ah uga hortagayaan iyaga iyo dowladda Somaliya.

Waxa ey sidoo kale sheegtay Frazer in ey wali joogaan Somaliya kooxo ey ku sheegtay Argagixiso oo halis ku ah wadanka Somaliya iyo guud ahaan geeska Afrika.

Mareykanka ayaa ugu deeqay maanta markale 60-malyan oo dollar iyadoo horey loogu deeqay dowladda Somaliya 40-malyan, lacagtaasoo marka la isku daro ey gaareyso 100-malyan oo dollarka mareykanka ah.

Lacagtan aadka u badan qaarkeed ayaa waxa loogu talo galay sida la sheegay shirka dib u heshiisiinta ee lagu wado in uu ka furmo gudaha Somaliya.

BACAADWEYN NEWS



 
MUQDISHO: Gen. Naaji: "Muqdisho waxay noqotay meel ay daggan yihiin Reer Miyi oo diidaya inay soo celiyaan hantidii ay ka dhaceen Reer Magaalkii ka qaxay Muqdisho" WAREYSI XIISO LEH

Muqdisho  - Wareysi dheer oo Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji uu siiyay Wakaaladda Wararka ee dalka Yemen ee marka la soo gaabsho loogu yeero SABA ayuu ku sheegay in illaa iyo shan bilood ay ku qaadan doonto dhismaha ciidan dowladeed oo awood u leh wax ka qabashada ammaanka caasimadda iyo dalka Soomaaliya oo dhan.

 

Gen. Naaji oo ka hadlayay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatooyinka haysta ee ka horimaan kara aysan ahayn oo keliya Maxkamadaha, laakiin in Shacabka Soomaalida 80% sida uu yiri waa dhallinyaro aan garanayn dowlad wax nidaam ahna aan arag.

 

Gen. Naaji waxa uu ka hadlay Colaadda u dhexeysa Beelaha Hawiye iyo Daarood oo uu sheegay inay markii hore ahayd mid ku saleysan xoolo, daaq iyo dhul, laakiin ay is baddashay. “Tusaale ahaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa la isku dayay in la qaarijiyo, (Mar lagu qarxiyay Baydhabo, iyo mar hoobiye lagu riday Madaxtooyada Villa Somalia) sababtaasina xaqiiqdeeda waxa weeye beelaha jooga halkan (Mogadishu), waa hawiye, mana yeelanayaan oo raalli kama ahan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu Daarood noqdo, waa qaldan yihiin mana aamisana Dimuqraadiyadda, 16-sano ayay Muqdisho fadhiyeen midkoodna waa awoodi waayay inuu dowlad ka dhiso, ha ahaado Cali Mahdi, Gen. Caydiid iyo xitaa C/qaasim Salaad Xasan oo wada ahaa Hawiye” ayuu yiri Gen, Ismaaciil Qaasim Naaji.

 

Gen. Naaji ayaa waxaa la weydiiyay: Hadde waa ku fashilmi karaa C/llaahi Yuusuf inuu gacanta ku dhigo Muqdisho? Wuxuu ku jawaabay Gen. Naaji, “Sax maahan taas, cid kasta ha jeclaato ama ha necbaato Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxay ogyihiin inuu yahay ninkii ku habboonaa xalaaddan adag, qof kasta oo Soomaali ah waa ogyahay inuu doonayo soo celinta dowladnimadii, Qarannimadii iyo xasilloonidii, kuwa ka soo horjeedana ma doonayaan dowlad iyo nabad midna”.

 

Markii uu Intaas yiri Gen. Naaji ayaa la weydiiyay: Waa maxay sababta?, wuxuuna sii daba dhigay: “Sababta waan kuu sheegayaa… Magaaladaan Muqdisho ma joogaan iminka shacabkeedii rayidka ahaa, waxayna hadda ku sugan yihiin Canada, Mareykanka, Australia iyo Ingiriiska, micna waa inay dibadda uga baxeen dalka, Muqdisho waxay hadda noqotay magaalo ay daggan yihiin Reer Miyigii ka yimid deegaannada gobollada dhexe, waxayna qabsadeen guryihii Reer Magaalka ka qaxay, waxay la wareegeen hantidoodii guurtada ahayd iyo tii ma guurtada ahayd, iyo beerahoodii sidaa darteed waxay ka baqayaan in laga dalbado inay soo celiyaan hantidaas ay dhaceen, wixii Reer Magaalku lahaan jiray waxaa hadda lahaaday Reer Miyigii marka, xaal sidaas ahi xukuumad walba oo timaadda waxay noqonaysaa inay soo afjarto damacoodii, haddii midkood ku tiraahdo dowladdii ayaa timid waxaa suurogal ah guri iyo beer yeelato kuma qancayo, maxaa yeelay maba aaminsana dowlad oo wuxuu ku barbaaray fowdo, Geel-jirihii Magaalo yimid wuxuu helay guri fillo ah iyo beer mana doonayo inuu dib ugu laabto Geeljirnimadii iyo xoolo raaciddii Gobollada dhexe ee kuleylka badan, waa tan dhibaatada keliya ee mar kasta oo xukuumad isku daydo inay xalliso ay ka timaaddo mucaaradnimo magaalada Mudisho, dagaallada sokeeyana waxay u dhacaan si xalaadda dagaallada iyo fowdada ay joogto u noqdaan, laakiin wax kasta oo ay nagu qaadato waxaa naga go’an inaan dhibaatada ka gudubno” ayuu yiri Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji.
BACAADWEYN NEWS